Cudurka Gaaska
GAASKA IYO BOOG CALOOLEEDKA
Gaasku waa cudur ku dhaca xuubka gudaha(qeybta daloolka caloosha soo xigta) ee caloosha .
Laba nuuc ayuu u qeybsamaa gaasku:
• Mid ka yimaada dawa la isticmaalay sida;dawooyinka xanuun baabi’yasha ASPIRIN ka oo kale,dawooyinkaan wax ey dhawac u geestaan xuubka caloosha ,taasoo soo daysa maada loo yaqaano HISTAMINE ,taasoo keenta caabuq ugu danbeyn.sidoo kale STRESS ka iyo isticmaalka ALCOHOL ka (qamriga) ayaa ka qeyb qaatta gaaska.
• Mid ka yimaada jeermis ama ka dhasha khalal difaaca jirka(pernicious anemia)
kan uu keeno jeermiska(bakteeriya) loo yaqaano HELICOBACTER PYLORI GASTRITIS ayaa ah mid ka ugu caansan kaasoo dagan caloosha, in ka badan 50% dadka dunida jeermiskan ayey la noolyihin lakin intooda badan wax calaamad ah ma laha.
CALAAMADAHA GAASKS
• Mararka qaar waa calaamad la aan
• Raashin xumo
• Bog xanuun
• Laba labo iyo lab jeex
• Matag dhiig ama shuban dhiig
Baaritaanada
1. Dhiig si looga fiiriyo jeermiska
2. Saxaro si looga fiiriyo sidoo kale jeermiska
3. Tubo calooleed. Waa tubo wadatta camera ama si toos ah isha loola raaco, taasoo bukaanka afka laga geliyo iyadoo suuxdin gudaha la isticmaalaayo,si loo arko dhaawaca caloosha.
Daweynta
• In la joojiyo sababha keenay cudurka sida dawooyinka qaarkood,isla markaane la siiyo dawooyinka gaaska caloosha joojiya\yareeya.
• Dabargoynta jeermiska H.PYLORI ga: waa nidaam dawooyin badan la isticmaalaayo si loo dabar jaro jeermiska, waxaa ka mid ah: Nidaam 3 dawo: PPI(omeperazole) amoxicillin,clarithromycin oo mudda 10 ilaa 15 maalin qaadanaayo, ama Nidaam 4 dawo:PPI,tetracycline,metronidazole iyo bismuth chelate.
BOOG CALOOLEED
Boog calooleedku waa nabar(dillaac) ku dhaca xuubka gudaha ee caloosha,hunguriga iyo qeybaha sare ee mindhicirrada yar yar.
Sababaha ugu badan ee keena boog calooleed ka waa kuwii keenay gaaska oo kale sida: geermis,dawooyinka xanuun baabi’iyaasha loo isticmaalo,qamriga ,sigaarka iyo tubaakada.
Calaamadaha sidoo kale waxey lamid yihiin kuwii gaaska ,lakin waa ka xanuun badanyahay sida: bog xanuun saa’id ah oo hurdada ka kiciya bukkaanka,laba labo iyo mattag mararka qaarne dhiig la socdo.
Waxyaabaha ka dhala kara waxaa ka mid ah in ey caloosha dillaacdo oo bukkaanka xaald qattar ah galo, iyo inuu dhiig afka ka keeno taasoo coma(miir dabool) galin karta bukkaanka, una baahan in tuba dag dag ah la galiyo si dhiiga loo joojiyo lagugan daaweeyo tubbadaas oo la gubo meesha si dhiig loom joojiyo.
Baaritaanka tubo(endoscopy) ayaa la galiyaa si loo ogaado halka nabarku ku yaallo.
Daaweynta waxaa la isticmaalaa dawooyinka yareeya gaaska sida PPI, iyo haddii ey laga shakisanyahay jeermis in qallajiye lagu daro, sidoo tubbooyinka caloosha haddii uu jiro dhiig bax.
TALO CAAFIMAAD
Soomaalida qof waliba gaas ayuu qabaa haddii aa weydiisid, lakin waxaa muhiim ah in la ogaado in u qabo qofkaan gaas ama boog , taasoo micnaheedu yahay in gaaska caadi ah ee jeermisku sababo la daaweyn karo haddii la isticmaalo dawooyinkii aan horay usoo sheegnay, waxaa sidoo kale qalad la sameeyo ah in gaaska lagu daaweeyo kaliya dawooyinka gaaska joojiya iyadoo qallajiya lagu darin. Halka boog calooleedka lagu daaweeyo dawooyinka gaaska yareeya oo mudda dheer.sidoo kale haddii uu gaas uu keenay yahay daawooyin la isticmaalay waa in la joojiyaa.
Sidee looga hortagi karaa boog calooleedka?
• Sigaar ha isticmaalin
• Ka fogow qamriga
• Kaniiniga ASPIRIN ka zaaid ha u isticmaalin,inta dhaqtarka kuu qoray in ka badan
• Haddii aa dareentid calaamadaha boog ta La Xiriir Dhaqtar.
No comments