Shangaani
XARAFKA ”A”
. Aadmi la aragyaaba, dhib la arag.
. Aan wada hadalno waa aan heshiino.
. Aar qoyey dacawo la mood.
. Abaal dad galaa badan, dad gudaase yar.
. Abaal raaga rag baa leh, mid baaqdana haween baa leh, mid soo dhakhsadana xoolaa leh.
. Abeesada taan sanqarta iyo tan aammusan, tan aamusan baa la qaatay.
. Abeesana dhul u eki bay wax ku dishaa, waadaadna dad u eki.
. Abgaal calool la deguu leeyahay, ee cidhif la dego ma leh.
. Abkeey dooli diloow, dad nool maas u dahaa
. Aboorku inta aanu kugu tufin ayaa lagu tufaa
. Abuur iyo waano ,abuur baa horreysey.
. Adduun i khatal.
. Adduunyo ka kabo li’id, aakhirana u salaad li’id.
. Adhi been wuu didaa beense ma dhutiyo.
. Adhi jiri ma kala abaal waydo.
. Adhi jiri xil bay wadaagtaa.
. Adhi magantii ma barriiyo.
. Adhi shidho laga daayo.
. Adin waa la dhibaa, ilna waa la dhawraa.
. Adoo nabad u balawaara, beloy kaalay lama yari.
. Aduun wey kii amoodeey ogaaw.
. Af aamusani marti ma sedo.
. Af aanad aqooni aabahaa wasna waa kaa yeedhsiiyaa.
. Af aanad lahayn ileen aamus lama dhaho.
. Af aanad lahayn lama qabto.
. Af ama reer aw mahdi ha ku hadlo ama lo’ ha kuu daaqdo.
. Af Daboolan, Dahab waaye.
. Af hadlaaba aamus.
. Af jabtay sideedii ma noqoto.
. Af jooga looma adeego.
. Af macaan gacan macaan baa dhaanta.
. Af nooli waa hadlaa Eyna waa ciyaa.
. Af noolina waa hadlaa eyna waa ciyaa.
. Af waa kane, maxaa lagu aamaa
. Af wax cunay xishoo.
. Afar gacmood abaar ka daran (Hunguri weyni waa cudur).
. Afar layskuma daro: Waan guuri; Waan guursan; Geel baan qaadi; Geenyaan gadan.
. Afar waa afar: Noloshu waa Niyad; Naftu waa qaali; Nacaybku waa olol; Nabsigu waa qaraar.
. Af-ka nool abooto mudac.
. Afkaad goojaamo kaga keentay kula hadal.
. Afkaagoo ku xidha oon ku furin alle goo baa la yidhaahdaa.
. Afkii dab yiri ma guban.
. Afxumo nabad way kaa kaxaysaa colaadna waxba kaagama tarto.
. Ag-joog, Ninkii xilo doonayowna Xamaro agjoog.
. Alif kaa xumaaday Albaqra kaama haro.
. Alla aamin ma iisho.
. Alle watow wehel uma baahna.
. Allow aqoon xumo hannagu caabin eexona hannooga tegin
. Allow nin aan wax ogeyn ha cadaabin.
. Ama afeef hore lahow ama adkaysi danbe
. Ama faro dufan leh ku qaad ama faro dac leh.
. Ama waa la muuqdaa ama waa la maqanyahay.
. Ammaan lama dhu-dhumiyo.
. Ammaano cirkaa diiday, oo dhulkaa diiday, oo Aadmi baa qaatay.
. Ammaano kugu raagtey inaad leedahay baad mooddaa.
. Amxaar la arag yaaba ferenji xaaji.
. Amxaaro madax gumac galay leedahaye madax hadal galo ma laha.
. Aqal libaax lafo lagama waayo.
. Aqoon la’aani waa iftiin la’aan.
. Aqoon xumo abaar ka daran(qorsho xumo abaar ka daran)
. Arin nin la toosan ayaa nin kale tuur la leh.
. Aroos lagama raago, lagumana raago.
. Arrad waa dan uskagse waa doqonniino
. Arrimo rag waa mudacyo afkood.
. Arrin aan sidii futo riyaad la feydin, ma fayoobaato.
. Arrin kaa tagtat Ahaa sooma celiso.
. Arrin waa mid kugu soo booddiyo, mid kugu bariday.
. Arrin xumo abaar ka daran
. Atoorku intiisuu guun ku yahay.
. Awr awr wado iyo nin naagi waddi midna kaama leexdaan.
. Awr kala guurtay uurar kala guurey baa ka xun.
. Awrba awrka ka horreeya ayuu horraan-qaadkiisa leeyahay
. Awrka danbe awrka hore socodkiisuu leeyahay.
. Ayax teg eedna reeb
. Ayaydaa taag darran iyadoon tabar lahayn bay dadka isku taagtaagi.
No comments